WEBYFI AI

Lunch Growt

Safarka Koorsada

Toban cutub. Waddo kuu horseedaysa inaad eber ka bilowdo ilaa aad noqoto xirfadle.

Waxaad baran doontaa AI, prompt-yada, iyo farsamooyinka lagu dhiso website-yo casri ah. Cashar kasta waxaa loo diyaariyey si fudud oo tallaabo-tallaabo ah, si qof kasta uu u fahmi karo.

Modul 01

Soo Dhawoow (Welcome)

Ku soo dhawoow Webyfi AI — baro sida loo isticmaalo AI si aad u dhisto websites casri ah.

0%
Modul 02

Mindset-ka Xirfadlaha (The Professional Mindset)

Baro sida aad u dhisi karto maskaxda iyo dabeecadda xirfadlaha — adkaysi, niyad-samayn, iyo jirka wax-qabadka leh si aad u gaadho guul waara.

0%
Modul 03

Fahamka AI (Understanding What is AI)

Baro sida AI loogu isticmaalo dhismaha website-yada casriga ah, tallaabo tallaabo.

0%
Modul 04

Dhismaha Website-kaaga Ugu Horreeya (Building Your First Website)

Baro sida loo isticmaalo qalabka AI si aad u dhisto website xirfad leh adigoo raacaya Webyfi AI.

0%
Modul 05

AI Website Builder Master Kit

Maktabad ay ku jiraan website prompts xirfad leh oo loogu talagalay ganacsiyo kala duwan.

0%
Modul 06

Dhismaha Website-yada Macaamiisha (Building Client Websites)

Baro sida loo dhiso website-yada macaamiisha si degdeg ah adigoo isticmaalaya Webyfi AI.

0%
Modul 07

Helitaanka Macaamiisha (Getting Clients)

Baro fikrado kala duwan oo aad ku heli karto macaamiil iyo shaqooyin adigoo bilaabaya.

0%
Modul 08

Fursadaha Koritaanka (Growth Opportunities)

Baro fursado dheeraad ah oo aad ku abuuri karto dakhli adigoo la wadaagaya waxbarashadan.

0%
Modul 09

Tools & Resources

Hel qalabka iyo kheyraadka ugu muhiimsan ee aad u baahan tahay si aad u dhisto, maamusho, iyo kobciso website-yadaada iyo mashruucyadaada.

0%
Modul 10

Material (Resource Library)

Hel dhammaan kheyraadka iskuulka — logo-yada nooc kasta, sales page, iimaylada xaqiijinta, sawirrada hero-ga, faylasha branding, templates, iyo qalab kale oo ay ardayda u baahan yihiin si ay u iibiyaan.

0%

Bilow safarkaaga

Diyaar ma u tahay inaad barato xirfad cusub?

Ku biir Webify AI Launch & Growth — bilow maanta oo hel hagitaan tallaabo-tallaabo ah, qalab casri ah, iyo bulsho ku taageerta.

Nagu Saabsan

Ku soo dhawoow madashayada waxbarashada.

Dad badan ayaa doonaya inay bartaan xirfado cusub oo online ah, balse inta badan ma garanayaan halka ay ka bilaabaan. Taasi waa sababta aan u abuurnay Webify AI Launch & Growth.

“Waxaan rabnay inaan sameyno meel fudud oo qof kasta uu ka bilaabi karo.”

Hadafkeenna waa inaan bulshada Soomaaliyeed tusno in waxbarashadu aysan lahayn xuduud. Maanta waxaa jira fursado badan oo lagu barto xirfado cusub laguna isticmaalo qalabka online-ka si loo horumariyo aqoonta iyo kartida.

Anagoo ka shaqeynaynay online muddo sanado ah, waxaan la kulannay dad badan oo doonaya inay horumariyaan noloshooda, balse u baahnaa hagitaan iyo meel ay si fudud uga bilaabaan. Khibraddaas ayaa nagu dhiirrigelisay inaan dhisno madashan.

Waxaan aaminsanahay in xirfaddu ay tahay maalgashiga ugu wanaagsan ee qofku naftiisa u sameyn karo. Markaad barato xirfad cusub, waxaad sii ballaarinaysaa fursadaha kuu furan mustaqbalka.

Waxaan halkan u joognaa inaan ku hagno safarkaaga waxbarasho annagoo ku siinayna casharro fudud, hagitaan iyo taageero si aad ugu kalsoonaato barashada xirfado cusub.

Ku soo dhawoow bulsho aaminsan waxbarashada, horumarka, iyo koboca joogtada ah.

Macallimiinta

Laba Hawayney oo ku hagaya safarkaaga guusha.

Hanni — Macallinka Dhismaha & AI

Macallinka Dhismaha & AI

Hanni

Hanni ayaa kugu hagaysa dhismaha website-yada casriga ah — laga bilaabo fikradda ilaa gudbinta. Waxay kula wadaagaysaa xirfad muddo dheer la kobciyay: sida loo isticmaalo AI iyo qalabka casriga ah, sida loo qoro prompts saxda ah, iyo sida loo dhiso mashruuc dhab ah oo la taaban karo.

Buy Course
Amira — Macallinka Suuq-gaynta & Maskaxda

Macallinka Suuq-gaynta & Maskaxda

Amira

Amira waxay kugu bareysaa sida aad lacag ugu sameyso suuq-gaynta casriga ah iyo sida aad u dhisto maskax adkaysi leh. Waxay kuu turjumaysaa jidka saxda ah — heerarka koritaanka, niyad-samaynta, iyo aaminaadda si aad ugu socoto ujeedadaada.

Buy Course

Find us online

Follow us on social media

Want to see our videos, tips, and what goes on behind the scenes? Find us here.